WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Warbaahinta dunida ayaa si weyn u hadal heysa kulan dhawaan dhexmaraya Madaxweynayaasha Mareykanka Donald Trump iyo Vladimir Putin,waxaana ka hadlay halka kulanka uu ka dhacayo Trumo.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu shaaciyay in kulanka uu la leeyahay dhigiisa Putin uu ka dhici doono dalkiisa Mareykanka gaar ahaan gobolka Alaska,sidoo kale wuxuu sheegay in kulanku dhici doono 15-ka Agoosto.
Labada Madaxweyne waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan waxaa ugu wayn arinta mustaqbalka dagaalka Ukraine iyadoo la ogyahay in Trumo uu aad u daneynayo in dalka yar ee Ukraine laga joojiyo cadaadiska dagaal iyo burburka dhowrka sano ay ku hayaan Milateriga Ruushka.
Afhayeen u hadlay aqalka Kremilinka ee Dalka Ruushka ayaa mar uu ka hadlayay kulankaan labada Madaxweyne wuxuu sheegay sheegay in goobta kulanku yahay mid si macquul ah loo qorsheeyay maadaama Gobolka Alaska ee Dalka Mareykanka uu u dhow yahay Dalkooda Ruushka.
Sidoo kale Afhayeenka wuxuu cadeeyay in Trump lagu casuumay markiisa Dalka Ruushka shir madaxeedka labaad ee suuragalka ah.
Dhanka kale Trump ayaa saxaafada hore ugu sheegay n laga yaabo in Ukraine ay khasab ku noqoto inay dhul ka tanaasusho si loo soo afjaro dagaalka inkastoo warkaasi wali aysan ka jawaabin madaxda sare ee dalka Ukraine.
Warkaan Trump ee ah in Ukraine dhul ka tanaasusho ayaa aad loo hadal hayaa inay qeyb ka tahay ajandaha shirka Trump uu la yeelanayo Putin si xal looga gaaro dagaaalka socda mudada 3-da sano iyo barka ah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
