Waxaa saaka rasaas goos goos ah laga maqlayaa aaga Jaamacadaha ee degmada Guriceel, halkaas oo saacadihii la soo dhaafay ay siweyn ugu dagaalameen Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna.

Dad ku sugan Guriceel ayaa Shabakadda dayniile u sheegay in labada dhinac ay kala joogaan Goobihii ay ku dagaalameen, waxaana dagaalkii ugu dambeeyay ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray labada Ciidan.

Dhinacyada ayaa saacadihii la soo dhaafay kala helay gurmadyo kala duwan, waxaana Maalintii Saddexaad xaalad cakirnaan ah ay ka taagan tahay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Saacadihii la soo dhaafay warar soo baxayay ayaa sheegayay in Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan uu shalay dalbaday  xabad joonin, balse waxaa warkaasi beeniyay Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Sabire Falagle.

Manirto ilaa iyo hadda waan waan laga dhex wado dhinacyada ku dagaalamaya degmada Guriceel oo hakin karta dagaalka, waxaana dhinacyada dagaalamay ay kala sheeganayaan guulo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here