Beeralayda qaadka ee Kenya ayaa isha ku haya hoos u dhac ku yimid iibka kadib markii ay Soomaaliya siisay Itoobiya 10 maalmood oo ay si gaar ah uga heli karto suuqa qaadka bishiiba.

Warbaahinta Nation ayaa ku warrameysa in mid kamida ganacsatada qaadka uu u sheegay in maalmo kooban amar lagu siiyay in ay joojiyaan soo dajinta qaadka.

Advertisement

Arrintan ayaa timid kadib markii Itoobiya, sida la sheegay ay Soomaaliya u gudbisay cabasho ku aaddan awoodda Kenya ee suuqa Qaadka Soomaaliya tan iyo markii Madaxweyne Xasan Maxamuud uu xayiraadda qaadka ka qaaday Kenya sanadkii hore.

Guddoomiyaha ururka ganacsatada qaadka ee Maua Maxamed Quresh waxa uu sheegay in Itoobiya ay dabada ka riixayso in ay suuq u hesho maalmo qaadkeeda.

Mr Munjuri ayaa sheegay in awaamiirta ka soo baxday Soomaaliya ay ka dhigan tahay in aan wax qaad ah loo dhoofin doonin Muqdisho .

Hase’ahaate’  Kenya  ayaa lacago malaayiin doolar ah kaa heli jirtay khaadlaa loo soo iib geeyo  dlakeena Soomaaliya

Previous articleTaliska Booliska Soomaaliland oo Faah Faahiyay dagaal ka dhacay buurta gacan Libaax
Next articleMW Deni: “Ciidankii la rabay in ay xakameeyaan muqaadaraadka ayaa ku laban Dadka isticmaala”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here