Beesha caalamka ayaa ka niyad jabsan hab dhaqanka dhinacyada isku haya hanaanka doorashada ee dalka, kulamo gooni gooni ah iyo wadahadal qadka taleefanka ah oo dhax-maray xubnaha beesha caalamka iyo inta badan dhinacyada ku lugta leh khilaafka ayaa gaaray in laysku waydaarsado hadalo kul kulul,

labada madaxwayne ee puntland & jubbaland ayaa ku doodaya in ay u baahan yihiin gacan sadaxaad oo kor joogto ka ahaato kulamada looga hadlayo doorashada si loo ogaado dhanka diidan doorasho ku dhacda si hufan, waxayna hadalkooda ku xoojinayaan in ay ka qayb galeen kulamo badan oo ay qabatay Dowladda waqtigeeda dhamaaday kuwaasoo lagu gaari waayay wax natiijo ah,

Fashilka ugu xun ayaa waxa uu haystaa labada maamul goboleed ee Galmudug & Koonfur Galbeed, kuwaasoo ku doodaya in aan loo baahnayn dhax dhaxaadiye wax walbana looga dambeeyo madaxda waqtigooda dhamaaday ee dowladda federaalka, arintaas oo banaanka soo dhigaysa in labadaas maamul yihiin kuwo dhinac la safan oo la shaqeeya koox gaar ah, iyadoo tuhun xoogan iyo is af garan waa soo kala dhax galay Madaxwayne Farmaajo & Xubnaha beesha caalamka,

Dowladaha Qadar & Turki ayaa wada dedaal ay culayska uga qaadayaan madaxwayne farmaajo iyagoo raba in ay kala fur furaan isbahaysiga labada Dowlad goboleed ee puntland & jubbaland iyo Midowga Musharixiinta, taasoo ay kawar hayaan isbihaysigaasi kana gaashaaman yihiin,

Qorre ; ibrahim xassan cawaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here