Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta go,aamisay in ay xoryihiin wax dembi ahna lagu waayay dhalinyarada kala ah .
Abuukar Macalin
Nimco Keyf
Axmed Bulshaawi
iyo Cabdi-cabdulahi
waxayna sidookale taliyayaasha xukumada Saldhigyada ay ku xirnaayeen ku wargelisay in lasiiyo taleefanadooda lana fasaxo.Balse Maxaa dhacay?!
Markii maxkamada laga soo saaray ayaa naloo xaqiijiyay in Sargaalka ugu sareeya Booliiska Gobolka Banaadir uu kasoo hadlay gacanka islamrkaana uu ku wargeliyay taliyayaasha Saldhigyada Yaaqshiid iyo Xamar Jajab inaysan Fasixi karin dhalinyarada ayna u xiranyihiin Madaxweyne Xasan amarkiisa oo keliyana ay ku bixi karaan.
Sedaxda Wiil ayaa dib loogu celiyay saldhigodi Yaaqshiid balse Xog aan helnay ayaa Sheegeysa in Taliyaha Saldhiga Xamar-jajab oo lagu magacaabo Raxmo Sandheer ay diiday inay qabato Nimco Keyf oo saldhigeeda ku xirneyd iyadoo ku wargelisay saraakiishi weday inay Heysato warqad maxkamadeed oo lagu Fasaxay Nimco taasoo sababtay in Nimco Keyf loo wareejiyo Saldhiga Booliiska Hodan.!
Sidookale Maxkamada ayaa maanta sii deysay Laba Bajaajle oo kala ah Cabdi-dheere iyo Cabdi Cali balse iyaga weli xabsiga hodan ayaa lagu hayaa oo lama fasixin.!
XIGASO: WARIYE XAAFID NUUR


