HomeWarkiiCarruurta Qaza oo ay soo food saartay nafaqo-xumo ba'an

Carruurta Qaza oo ay soo food saartay nafaqo-xumo ba’an

QAZA (DAYNIILE.COM)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tirada carruurta Qaza ee soo food saartay nafaqo-xumo ba’an ay sare u kacday tan iyo bishii Febraayo, iyadoo in ka badan 2,700 ay hadda la ildaran yihiin.

Hay’adda Gargaarka ee Gaza ayaa sheegtay inay dib u bilowday qaybinta gargaarka laba ka mid ah goobaha ay ku leedahay Marinka. Hay’adda ayaa shaqada joojisay in ka badan hal maalin kadib markii boqolaal gargaar doon ah ay dileen oo ay dhaawaceen militariga Israa’iil.

Israa’iil ayaa duqeysay duleedka koonfureed ee Beyruut ee Daahiye iyo dhowr degaan oo ku yaalla Koonfurta Lubnaan gelinkii dambe ee shalay, arrintaas oo uu madaxweynaha Lubnaan ku sheegay “xad-gudub bareer ah” heshiiska xabbad joojinta ee Israa’iil ay la gashay Xisbullah.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa lagu dilay ugu yaraan 54,677 falastiiniyiin ah waxana ku dhaawacmay 125,530, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay ee dhacay Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -