MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warar ku dhaw dhaw Xisbiga JSP ee Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf ka dhashay hadalkii Muungaab ee ahaa inuu yahay musaraxa JSP ee u taagan xilka uu hada hayo marka la gaaro doorashada qof iyo cod-ka ah taasoo aad uga careysiisay Yuusuf Madaale duqii hore ee Gobolka Banaadir oo Xisbiga ka tirsan.
Khilaafka ayaa banaanka yimid kadib markii Golaha Dhaxe Xisbiga JSP ay soo jeediyeen sida aan xogta ku helnay in shaqada Laga fariisiya Xoghaye kuxigeenka Xisbiga Hussein Sheikh Mohamud, kaasoo shalay ku dhawaaqay muungaab inuu yahay musharaxa duqa Muqdisho ku matalaya Xisbiga.
Xoggaha aan heleyno ayaa sheegaya in Xeer-hoosaadkii Xisbiga uu dhigaayo in xilalka nuucaas ah intaan doorashada la gelin xubnaha Xisbiga ay dhexdooda tartamaan ugu danbeyn halka qof ee guuleysta uu noqon karo musharaxa Xisbigu wato sidaas daraadeed Madaale ,Muungaab iyo cid kasta oo xisbiga ka mid ah oo rabta xilka Duqa Muqdisho wali wax tartan ah maba dhexmarin.
khilaafkaan hada ku bilowday in shaqada laga joojiyo Xoghaye kuxigeenka Xisbiga Hussein Sheikh Mohamud ayaa yimid kadib markii uu shalay shaaciyay inu Musharax Caasimadda yahay Hassan Mohamed Hussein Muungaab,sidoo kale saaka waxaa isna ku soo darsoomay khilaafka Madaale oo shir jaraa’id qabtay kana dhawaajiyay in cadaaladii xisbiga lagu aas aasay ay burburtay.
Gudaha Xisbiga ayaa ku adkesanaya in Xoghaye kuxigeenka Xisbiga Hussein Sheikh Mohamud uu jabiyay Xeer-hoosaadkii Xisbiga sidaas daraadeedna ay tahay in shaqada laga joojiyo, si kastaba Madaxweyne Xasan kama hadlin arintaan madaama uu yahay hogaamiyaha Xisbiga.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
