MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweyne hore ee Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo oo saaka ku soo laabtay Magaalada Muqdisho oo uu sanado ka maqnaa ayaa durba kulamadii uu maanta Muqdisho ku qabtay waxaa lagu arkay kooxda u qaabilsan ol-olaha doorashada Madaxweynaha uu u geli doono.
Kooxaan siyaasiyiinta u badan oo 20 gaareysa ayaa la sheegayaa inay u badan yihiin rag ku cusub saaxada siyaasada kuwaasoo aan la aqoonba.
Talaabadaani uu qaaday Farmaajo waxay ka dhigeysaa musharixii ugu horeeyay oo xubno aan la aqoon ka dhigta inay u qaabilsanaadaan arimaha kaanbeynka ama doorashooyinka dalka uu geli doono sanadka cusub ee soo socda bartamihiisa.
Farmaajo talaabadaani lama saadaalin karo inuu ku faa’iidi doono ama inuu u khasaare doono intaba.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM


