HomeWarkiiMaxaad kala socotaa magaca cusub ee Maamulka Somaliland uu la baxayo

Maxaad kala socotaa magaca cusub ee Maamulka Somaliland uu la baxayo

Warar ku dhaw dhaw dhanka Maamulka Somaliland ayaa sheegaya inay qorsheynayaan inay badalaan magaca Somaliland islamarkaana ay magac soo xuseen si hada kadib loogu yeero.

Wararka ayaa tilmaamaya inay dhawaan ku dhawaaqayaan magaca Macrobia oo ay ku badalayaan magacii Somaliland tusaale madaama ay sheeganayaan inay Somalia ka go’een lana aqoonsaday waxay u dhigayaan sidan Republic of Macrobia.

Asal ahaan magaca Macrobia ayaa ka soo jeeda Giriiga lamana yaqaan sida ay ugu xuubsian karaan magac aanba asal u lahayn dadka Soomaaliyeed oo dunida taariikh weyn ku leh lagu yaqaan  dhaqan soo jireen ah.

Wararka nuucaan ee la helayo hadii ay tahay mid si dhab ah uga socota gudaha Maamulka Somaliland waxay kaliya sumcad xumo ku noqoneysaa Maamulka Waqooyi Galbeed ee Somailand waxayna noqonayaan maamul Goboleedkii ugu horeeyay oo magac lagu yaqaanay iska badala.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -