HomeWarkiiMaxaad kala socotaa sababta dib u dhaca safarkii Madaxweyne Xasan ku tagi...

Maxaad kala socotaa sababta dib u dhaca safarkii Madaxweyne Xasan ku tagi lahaa Laas-caanood

DEG-DEG:-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh oo lagu waday maanta inuu tago Laas-caanood ayaa dib u dhac uu ku yimid xili sababtana ay soo shaac baxayaan.

Warar aan helnay oo wali xaqiiqo aanan u heyn ayaa sheegaya in sababtu tahay shuruud uu la yimid Madaxweyne Xasan taasoo marka dhan la eego aad ugu adag Maamulka Waqooyi Bari.

Shuruuda ayaa ah in Maxaabiista Somaliland ee lagu hayo Hargeysa la sii daayo sidaasna uu ku tagi karo islamarkaana kaga qeybgeli karo.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Madaxweyne Xasan shuruudiisa uu u gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo maanta uu kula kulmay Madaxtooyada.

Dhanka Maamulka Waqooyi Bari waxaa la soo sheegayaa in Madaxweynahooda Firdhiye uu ogolyahay balse ay diidan yihiin isomada Maamulkaasi oo ah kuwa awooda u leh in la sii daayo.

Ra’iisulwasaare Xamza ayaa la hadal hayaa inuu ka qeybgeli doono hadii la isku af garan waayo in Maxaabiista reer Somaliland la sii daayo.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -