Wararka laga helaayo Magaalada Istanbul ee Dalka Turkey ayaa sheegaya in Maxkamad halkaasi ku taal Maanta ay xukun ku riday  wiilka Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dilay darawal mooto bajaaj ah kadib markii gaari uu watay maxamed Xasan Sheekh iyo Mootada ninka Turkiga ee geeriyooday bishii december.

Laba sano iyo bar  oo xarig ah ayay Maxkamadu ku xukuntay Wiilka Madaxweynaha Soomaaliya kaasoo lagu magacaabo Maxamed Xasan Sheekh xili uusan goob joog ahayn markii xukunkaasi dhacaayay.

Advertisement

Maxkamada oo aan intaasi ku ekeyn xukunka ayaa Xariga labada sano u lacageysay eedeysanaha taasoo loo badalay ganaax lacageed  oo dhan $900 oo kaliya marka lacagta turkiga la dhahana ah 27,300.

Sababta Ganaaxa loogu badalay ayaa lagu sheegay iyadoo la tixgalinayo shakhsiyaddiisa, xaaladdiisa bulsho iyo dhaqaale iyo qoomamo uu muujiyay intii ay dacwaddu socotay.

Sidoo kale Maxkamada waxay wiilka madaxweyne Xasan kala laabatay Leysinka gaari wadida mudo lix bilood ah.

Dacwada dhageysigeeda 1-aad waxaa qaaday  maxkamadda darajada koowaad ee 33-aad ee magaalada Istanbul.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Xukunka wiilka madaxweynaha

Previous articleWasiirka arimaha gudaha Somalia oo Muqdisho kula kulmay waxgarad ka soo jeeda gobolka Awdal+SAWIRRO
Next articleKhasaare ka dhashay Wabiga Shabelle oo fatahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here