Madaxweynihii hore ee maamul gobolleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in maalinba degaan ama qabiil gooni ah lagu eegto dagaalka Kooxda Al-Shabaab ee xilligaan ka socda dalka.

Qoraal gaaban oo uu ku qoray Twitter-ka ayuu ku muujiyay sida ay wax laga xishoodo u tahay in degaanka yare e Masaajid Cali Guduud uu in ka badan saddex maalmood ka socdo dagaal kharaar, taasoo muujineysa in Al-Shabaab isku aruursadeen degaanka.

Wuxuu la yaab ku tilmaamay sababta markii hore reer Shabeellada dhexe gadaal isugu dhigayeen maalmihii uu sida xooggan u socday dagaalka Hiiraan iyo sababta uu u istaagay howl-galikii xoogganaa ee Hiiraan markii uu billawday dagaalka Sh/dhexe.

“Masaajid Cali Guduud waxay aheyd in la weeraro inta uu socday dagaalka Hiiraan. Maalin walba in hal qabiil lagu fiirsado dagaalka oo Shabaabku isugu yimaado, ma aha talo shaqeeyneeysa”, ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle,Waare.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in si isku mid ah dalka oo dhan howl-galladu uga billowdaan si Al-Shabaab u awoodi waayaan in ay hal degaan awood gaar ah isugu geeyaan. “Hadda waa in dagaalku ka bilowdo waddanka oo dhan. Saan talo ma aha!”. Ayuu ku sii daray.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Shabeellaha dhexe ciidankii ugu badnaa ee Al-Shabaab ayaa ku sugan degaannada hoos taga degaanka Masaajid Cali Guduud, halkaasoo ay ka difaacayaan in Ciidanka Dowladdu u gudbaan degmada Aadan Yabaal.

Shalay ayay ahayd markii Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in hawlgallo ay iska kaashadeen Hay’adda Sirdoonka iyo saaxiibada caalmiga ah ee Soomaaliya taageera, lagu laayay horjoogayaal iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo degaankaas ku sugnaa.

Dowladdu waxa ay sheegtay in weerarradaas ay Al-Shabaab kaga dhisay hor joogyaal ay ku jiraan Cabdullaahi Cali Caraale iyo iyo Muscab Cabdalla Saney oo ka mid ahaa amiirrada Kooxda u qaabilsanaa holwgallada xooggan ee hadda ka socda Shabeellaha dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here