Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Hirsheelle Maxamed Cabdi waare ayaa ku dhaliilay mid ka mida Beelaha ugu waa weyn Soomaalida inay dowlada lug qabanayaan.
Maxamed Cabdi Waarre oo wareysi siiyay Wariye Ayaanle Xuseen Cabdi ayaa ku eedeeyay Beesha Hawiye inaysan daacad ka ahayn dagaalka Dowladu kula jirto dagaalamayaasha Alshabaab
“Hawiyuhu ma doonayaan in laga adkaado kooxda Alshabaan iyagoo diidan inuu guul siyaasadeed gaaro Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh si ay taariikhda ugu gasho xoreynta Alshabaab.
Maxamed Cabdi Waarre ayaa wuxuu sidoo kale eedeyn u jeediyay Wasiirka gaashaandhiga oo ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifke kaasoo uu ku eedeeyay inuu fashilinayo howlgalada ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanku ku doonayaan inay Alshabaab kaga saaraan dhamaan meelaha ay ku sugan yihiin.
Ugu danbeyn wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Xasan inuu Xamar ku soo laabto islamarkaana isugu yeero Beesha Hawiye si loogu guuleysto in la helo Hawiye mideysan oo Dowlada ku garab siin kara ka xoreynta dalka ee kooxda Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Advertisement
Previous articleJen.Tuur-yarre oo ka hadlay khilaafka u dhexeeya Wasiirka Gaashaandhiga Somalia iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga
Next articleDEG DEG: Gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay oo goordhaw ku qarxay Xarunta Maxaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here