HomeWarkiiMaxamed Cali Nuur Ameerika oo loo magacaabay Maareeyaha Dekada

Maxamed Cali Nuur Ameerika oo loo magacaabay Maareeyaha Dekada

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wareegto uu ku saxiixan yahay Madaxwenaha Soomaaliya ayaa Danjire Mohamed Cali Nuur (Ameeriko) waxaa loogu magacaabay maareeyaha Dekada Magaalada Muqdisho.

Sda Wareegtada ku cad magacaabsta ka hor wuxuu madaxweyne Xasan xilka ka qaaday Maareeyijhii hore ee Dekada Axmed Maxamed Maxamud (Washington) .

Danjire Mohamed Cali Nuur waxaa uu ka mid yahay siyaasiyiinta caanka ka ah dalka waxaana lagu xasuustaa inuu hore usoo noqday Safiirka Somalia ugu qaabilsan Dalka Kenya halkaasoo shaqooyin badan uu ka qabtay.

Dhanka kale waxaa xusid mudan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu saxixiay wareegtadiisa magacaabista  mareeyaha cusub ee Dekada  3-dii bishan Ogost, balse lama yaqaan sababta madaxtooyadu u shaacin weysay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of ticket stub and textNo description available.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -