Hawlgalka Midowga Afrika Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ay si weyn uga shaqeynayaan sidii dhammaadka sanadkan,  Soomaaliya looga saari lahaa kumanaan askari oo katirsan  ATMIS, si loo taageero dawlad-dhisidda Soomaaliya.

Maxamed El-Amine Souef oo ah madaxa howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS, ayaa booqasho ku tagay magaalada Kismaayo halkaasi oo ay kula kulmeen shaqaalaha UN-ka iyo ATMIS, si ay uga wada hadlaan gulufka ka dhanka ah kooxda  Al-Shabaab, arrimaha amniga iyo siyaasadda.

Advertisement

“Soomaaliya horumar weyn ayay sameysay, horumarkaas waxaa sabab u ah wadashaqeynta ATMIS iyo UN-ka ee dhanka horumarinta amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Maanta, dadka Soomaaliyeed waxay ku noolaan karaan si nabad ah,” ayuu ku yiri hadal uu si wadajir ah uga soo saaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ergeyga Midowga Afrika ayaa sheegay inay ka go’an tahay dhaqangelinta qaraarada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2628, 2670 iyo 2687 ee faraya ATMIS inay ka caawiso ciidamada ammaanka Soomaaliya si ay si tartiib tartiib ah ula wareegaan mas’uuliyadda amniga ka hor inta aan howlgalka Soomaaliya laga bixin December 2024.

Booqashadiisa ayaa ku soo beegantay xilli hay’adda ATMIS iyo la-hawlgalayaasheeda ay isku diyaarinayaan sidii ay qiimeyn farsamo oo wadajir ah ugu sameyn lahaayeen wejiga koowaad ee ka bixitaanka ciidamada ATMIS oo lasoo gabagabeeyay bishii June.

Natiijooyinka kasoo baxa qiimayntan ayaa loo adeegsandoonaa wejiga labaad kaas oo u baahan in ATMIS ay la baxdo 3,000 oo askari kale dhammaadka Sebtembar.

Intii lagu guda jiray wejigii koowaad, ATMIS waxay Soomaaliya kala baxday 2,000 oo askari, waxayna ku wareejisay lix saldhig oo ciidan ah ciidammada ammaanka Soomaaliya.

Previous articleXildhibaan Mustaf Dhuxulow   “Wasiirka Dasuurka ayaa lagu bilaabaa in inta xilka looga qaado wax socon karo ma’aha, waxayse ku socon karin annaga maxaan qabaneynaa daawo Muqaalka
Next articleCiidamada dowladda hawgal ka dhan ah AS ka sameeyey deegaanka Qoob-Yaxaas ee Gobalka Hiiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here