MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa la soo sheegayaa in laga hor istaagay safar uu ku tagi lahaa Baydhabo.
Tan iyo xalay waxaa baraha bulshada aad looga hadal hayay qorshe hore u degsanaa oo siyaasiyiinta ka soo jeeda Koofur-galbeed ay ku doonayaan inay deegaanadooda tagaan si ay halkaasi uga bilaabaan ololahooda dhanka xisiyada ee ay ugu diyaar garoobayaan doorashooyinka qof iyo cod.
Sidoo kale waxaa isna doonayay inuu gaaro Baydhabo Madaxweynihii hore ee Maamulka Koofur-galbeed islamarkaana soo noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan kaasoo lagu waday inuu ku xigsado Maxamed Mursal laakiin hada waxaa muuqata in Madaxweynaha Maamulka Koour -Galbeed C/casiis Lafta-Gareen wali diidan yahay in siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanadaasi ay tagaan Baydhaba isagoo ka cabsanaya inay buuq siyaasadeed ku furaan
Dhawaan mar uu Maxamed Mursal uga hadlay talaabooyinka C/casiis Lafta-gareen uu kaga hor istaagayo inay deegaanadooda tagaan ayuu sheegay in taasi ay si toos ah u fashilineyso qorshaha Madaxweyne Xasan ee ahaa in deegaanada Soomaaliya laga qabto doorashooyin qof iyo cod ah marka la eego hab dhaqanka Lafta-gareen.
Siyaasiga Maxamed Mursal iyo Sharii Xasan ayaa lagu wadaa inay maanta shir jaraa’id ku qabtaan Muqdisho si ay uga hadlaan talaabada uu Baydhaba kaga hor taagan yahay C/casiis Lafta-gareen iyo waxa ka dhalan kara.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
