Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayay dagaaladii iyo qaaxyadii shalay ay kooxda Alshabaab ku qabsatay Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiran ayaa ugu horeyj cambaareeyay falka qaraxyada aha ee alshabaab kaa geysteen magaalada Moqokori.
Maxamed Xuseen Rooble wuxuu Dowlada Somalia ugu baaqay in ay la yimaadaan Qorshe wax looga badalayo xaaladda Dagaalka iyo habaca ku yimid howlihii la dagaalanka kooxda Alshabaab.
“Dowladu waa inay la timaado qorshe wax looga badalayo habaca ku yimid dagaalkii khawaarijta lagula jirey”ayuu yiri Rooble
Ra’iisulwasaarihii qoraal uu soo saaray ayaaa sidan u qornaa:-
BISMILLAHI
Waxaan halkan tacsi uga dirayaa ehellada Shuhadada ku shahiiday dagaalkii Moqokori, waxaan Allah uga baryayaa in uu caafimaad deg deg ah siiyo inta dhaawaca ah.
Waxaan bogaadinayaa geesinimada ay muujiyeen Ciidamada Qalabka sida iyo Macaawiisleyda reer Hiiraan oo dagaal adag kula jira Khawaarijta.
Waxaan si adag u cambaaraynayaa argagaxisada Khawaarijta ee daadinaya dhiigga Dadka Soomaaliyeed.
Waxaan Madaxda Dawladda federaalka ugu baaqayaa in ay la yimaadaan Qorshe wax looga badalayo xaaladda Dagaalka iyo habaca ku yimid howlihii la dagaalanka khawaarijta.
Dowladdu waa in ay mudnaanta koowaad ka dhigataa la dagaallanka argagixisada, halkii ay ku mashquuli lahayd arrimo kale oo siyaasad ahaan loo xallin karo.
