MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble kana mid ah mucaaradka Dowlada ayaa maanta Xafiiskiisa Muqdisho ku qaabilay Siyaasiyiin, Ganacsato, Oday dhaqameedyo, Haween iyo Dhalinyaro dalku sii galayo waqtiga kala guurka.
Rooble wuxuu tilmaamay inay isla soo qaadeen xaalada dalka uu marayo dhanka siyaasada sida doorashooyinka bilo ka dib dalku galayo.
“Waxeey ila wadaageen sida ay uga walaacsanyihiin marxaladda adag ee Dalku uu marayo gaar ahaan Arrimaha murugsan ee doorashooyinka” ayuu yiri Rooble oo barihiisa bulshada ku shaaciyay kulankaan
“Waxaa kale oo ay walaac wayn ka muujiyeen ku tagrifalka awoodda Dawladnimada iyo arimaha la xiriira xadgudubyada hantida guud ee Qaranka lagula kacayo” ayuu mar kale yiri Rooble
Ugu danbeyn Maxamed Xuseen Rooble wuxuu dhankiisa la wadaagay qeybihii uu qaabilay sida ay uga go’antahay inay ka shaqeeyo sidii looga gudbinlahaa Dalka xilligaan adag loona helilahaa nidaam doorasho oo heshiis lagu yahay waqtigeedana ku dhacda.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM





