HomeWarkiiMaxamed Xuseen Rooble oo amaan kala dul dhacay Garsoorka Somalia

Maxamed Xuseen Rooble oo amaan kala dul dhacay Garsoorka Somalia

Ra’iisulwasaarihii hore Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu ka soo saaray sii deynta Sacdiya  Bajaj wuxuu si weyn  ugu amaanay Garsoorka Somalia.

Qoraalka Rooble oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:

𝗕𝗜𝗦𝗠𝗜𝗟𝗟𝗔𝗛

Xorriyadda ay maanta dib u heshay Sacdiyo Macalin waa dhacdo xambaarsan rajo iyo farriin muhiim ah oo ku saabsan qiimaha caddaaladda iyo ilaalinta xuquuqda muwaadinka.

Go’aanka Garsoore Cabdifataax Saciid Maxamed wuxuu muujinayaa muhiimadda ay leedahay in garsoorku si madax-bannaan, geesinimo leh oo waafaqsan sharciga uga shaqeeyo xaqiijinta caddaaladda.

Waxaan Sacdiyo u rajaynayaa bog cusub oo nabad, sharaf iyo rajo leh, iyadoo dib ugu laabanaysa qoyskeeda iyo nolosheeda.

Sidoo kale, waxaa mudan in la bogaadiyo dhammaan cid kasta oo kaalin ka qaadatay xaqiijinta in xuquuqda iyo caddaaladdu ay gaaraan qofka u baahan.

𝘾𝙖𝙙𝙙𝙖𝙖𝙡𝙖𝙙𝙙𝙪 𝙬𝙖𝙖 𝙩𝙞𝙞𝙧𝙠𝙖 𝙙𝙤𝙬𝙡𝙖𝙙𝙣𝙞𝙢𝙖𝙙𝙖, 𝙜𝙖𝙧𝙨𝙤𝙤𝙧 𝙢𝙖𝙙𝙖𝙭-𝙗𝙖𝙣𝙣𝙖𝙖𝙣𝙣𝙖 𝙬𝙖𝙖 𝙨𝙖𝙡𝙙𝙝𝙞𝙜𝙜𝙖 𝙠𝙖𝙡𝙨𝙤𝙤𝙣𝙞𝙙𝙖 𝙗𝙪𝙡𝙨𝙝𝙖𝙙𝙖.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -