Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka warbixiyay shirka caawa ay la qaateen Odayaasha dhaqanka Spomaaliyeed.
Qoraalka Ra-iisulwaaaaraha oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
𝗕𝗜𝗦𝗠𝗜𝗟𝗟𝗔𝗛.
Caawa waxaan casho sharaf u sameynay Duubabka Dhaqanka ee ka kala yimid deegaanada Soomaaliyeed oo dhan.
Kulankaan wuxuu ahaa fursad lagu gorfeynayey xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan hubanti la’aanta iyo is-mariwaaga ka taagan doorashooyinka nagu soo fool leh iyo sidii ay Duubabka Dhaqanka uga qeyb qaadan lahaayeen xal u helidda caqabadaha taagan, si loo abuuro hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo.
Sidoo kale, waxaa la isla soo qaaday walaaca laga qabo faragelinta qaawan oo MW Xassan Sheekh ku hayo doorashooyinka maamul goboleedyada.













