HomeWarkiiMaxay Beesha Isaaq u dalbatay in lagu daro beelaha Soomaaliyeed ee xuquuqda...

Maxay Beesha Isaaq u dalbatay in lagu daro beelaha Soomaaliyeed ee xuquuqda ku leh Dalka Kenya

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Qaar ka mida dhalinyarada Beesha Isaaq ee Dir ayaa shir ku yeeshay Magaalada Nairobi waxay kaga codsadeen Dowlada Kenya in reerkooda la siiyo aqoonsi ay kaga mid noqon karaan  beelaha soomaaliyeed ee xuquuqda ku leh dowlada Kenya.
Dhalinyarada Beesha Isaaq oo la hadlay telefishanka KTN waxay ka cabteen takoor lagu hayo sida ay warka u dhigeen madaama aysan wax xuquuq ah ku lahayn Kenya sida xilalka dalkaasi sida beelaha kale ee Soomaaliyeed qaarkood xuquuda u leeyihiin.
Waxay dalbadeen in Dowlada Kenya siiso aqoonsi beesha isaaq si ay dhankooda wixii hada ka danbeeya uga mid nooqdaan Beelaha Soomaaliyeed ee Dowlada Kenya xilalka ka haya.
Warka ka soo baxay dhalinyarada iyo waxgaradka Beesha Isaaq ayaa ku soo aadaya xili qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ay in muddo ahba ka mid yihiin dadka awood qeybiga ku leh Kenya marka la eego xilalka dalkaasi haday amniga tahay haday siyaasada tahay walow beelahaasi yihiin kuwo u dhashay dhulka waqooyi Beri Kenya ee aysan ahayn kuwo meelo kale ka yimid.
Ma jirto cid Dowlada Kenya ka tirsan oo u jawaabtay dhalinyarada beesha Isaaq ee dalbanaysa inay xuquuq ku yeeshaan Dowladnimada Kenya si la mid ah beelaha kale ee Soomaaliyeed.
XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM
May be an image of 9 people, television, newsroom and text that says "西島産 ピーマムツー ピ室 ktn ニーマか WEEKENDGONE NEWS HUB ISAHAKIA COMMUNITY STATUS SMS SMS22151 22151 THEY WANT GOVT. TO FORMALLY RECOGNIZE THEM 840 to receive breaking news alerts anytime. anywhere Follow us on x @ktnnews| Instag"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -