War qoraal ah oo lagu soo daabacay shalay barta facebook ee Howlgalka Atmis ayay ku faaneen 2 maalin kadib inay iyagu sugayeen amaanka Maaxweyne Xasan Shekh intii uu joogay Magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur.

Waxay warbixintooda ku muujiyeen sawirada Gaadiid Dagaal iyo Ciidamo Atmis ah gaar ahaan Itoobiya oo sugaya amaanka Madaxweynaha garoonka ilaa iyo goobaha uu tagay.

Advertisement

Waxaa is weydiin mudan laba  maalin kadib maxay ka dhigan tahay in hada ay Atmis ku faanto sugida amaanka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh xili hore Madaxweynuhu safaro ugu tagay kuna joogay Dhuusa-mareeb iyo Maxaas.

Magaalooyinka Maxaas iyo Dhuusa-mareeb oo ka kala tirsan Hirshabelle iyo Galmudug maxay kaga duwan yihiin Baydhabo iyo Xudur oo ah dhulka Maamulka Koonfur Galbeed.

Ma ciidamada Atmis ayaan joogin Galmudug iyo Hirshabelle oo kaliya joogaan Koonfur Galbeed waa maya oo dhamaan maamulada waa joogaan Atmis inkastoo ay ku sii yaraanayaan.

Su’aasha kale waxay tahay ma Ciidamada Dowlada ee jooga Koonfur galbeed ayaa ka jilcan kuwa maamulada kale oo kuma filna amniga madaxweynaha Somalia iyo waliba kan Koonfur-galbeed.

Mise Ciidamada Itoobiya ayay qaas u tahay faankaan, oo kaliya koonfur-galbeed ayay joogaan,jawaabtu waa maya oo Galmudug xitaa waa joogaan.

Hadii aan dhihi lahayn waxay saas u yeelayaan si ay isu muujiyaan in wali looga baahan yahay inay sii joogaan Soomaaliya oo ay qalad tahay qoshaha dalka looga saarayo waxaa meesha taal Ciidamada Itoobiya ama guud ahan Atmis way joogaan  maamulada kale.

Markaan soo koobno jawaabaha su’aalahaan Sedex arin ayay mid tahay :-

  •  waa mida koowaade inay tahay is muujin in loo baahan yahay wali oo walibana ay hada bilaabeen qorshahaan ismuujinta ah ayna qorheynayaan inay sidaan oo kale maamulada kale saan yeeli doonaan hada kdib.
  • Waa mida labaade Ciidamada Itoobiya way dirayaan fariin ah in ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo shacabkiisuba inay jilcan yihiin laguna haleyn karin amniga Madaxweynaha.
  • waa mida sedexaade in maamulada hirshabelle iyo Galmudug ogoleyn is muujinta oo ay kaliya Koonfur galbeed ku baraarugsaneyn arintaan lagana hoos bixiyay sawirada ciidamada Atmis iska qaadeen.

=Qoraha Faalladda Wariye Suud ma-qaate=

May be an image of 6 people, aircraft and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 3 people and textMay be an image of 3 people

Previous articleGabar Soomaali ah oo loo xirey Taageere ay u muujiyeen Falastiin
Next articlejadwalka Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Puntland oo la soo saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here