HomeWarkiiMaxay ka sheegen Shirka Aqalka sare Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha ciidamada Xooga

Maxay ka sheegen Shirka Aqalka sare Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha ciidamada Xooga

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shirka Aqalka sare waxaa maanta ajandihisia lagu daray inay hortagaan oo ka warbixiyaan shaqadooda Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi,Taliyaha Ciidamada Xooga Odowaa Yuusuf Raagge iyo Gudoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalanka sida Liibaan Cali Yarow.

Masuuliyiintaan ayaa markii shirku bilwoday waxaa laga cosaday inay baarlamanka hor tagaan kana hadlaan waxqabadkooda,waxaa lagu bilaabay Wasiirka Gaashaandhiga kaasoo meelo badan ka hadlay sida shaqada ciidamada Dowlada hayan marka la eego dagaalada Daacish iyo Alshabaab lagula jiro.

Wasiirka ayaa sheegay in dagaalamayaasha Alshabaab laga dilay lixdii bilood ee u danbeeyay ay ka badan yihiin kuwii la dilay labadii sano ee ka horeysay.

Mar uu Wasiri Axmed Macalin Fiqi ka hadlayay tirada alshabaab iyo daacish ee lagu dilay mudadaas ayuu sheegay inay dhan yihiin  868 oo ay ku jiraan 52 hogaamiye sida uu warka u dhigay,sidoo kale wuxuu sheegay in 220 duqeyn in loo geystay kooxaha Alshabaab iyo Daacish kuwaasoo ka dhacay inta u dhexeysa Jubooyinka ilaa Gobolada dhexe.

Sidoo kale Taliye Odowaa ayaa isna dhankiisa sheegay soo hadal qaaday dhinacyo badan sida tirada dhimashada ee ciidamada Dowlada isagoo aqalka sare ka hor sheegay in haduu sheego ay la yaab ku noqoneyso sanatarada.

“ciidamada ka geeriiyooday Dowlada haddii aad idin sheego waxay idinku noqoneysaa wax lala yaabo, tirada kuwa howlgabka ah ,kuwa naafada ah iyo ku shahiiday waxay ud dhexeysaa 10 kun ilaa 15 kun “ayuu yiri Taliye Odoyaa

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -