MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynayaashii hore ee Somalia Farmaajo iyo Sheekh Shariif ayaa caawa ku kulmay Magaalada Muqdisho gaar ahaan hoyga Shariif Sheekh Axmed.
Wararka qaar oo laga helaayo ayaa sheegaya in Farmaajo doonayo sidii uu isbaheysi ula sameysan lahaa mucaaradka kale si wada-jir ay ugu wajahaan Madaxweyne Xassan oo hada talada dalka gacanta ku haya .
Warar kale ayaa sheegaya in arinta ugu wayn ay tahay sidii ay wada jir uga qeybgeli lahaayeen shirka Kismaayo ee kla dhanka ah Dowlada Somalia ,wararku waxay intaasi ku darayaan in Xasan Cali Kheyre iyo C/raxmaan C/shukuur labadaba raali ka ahayn la macaamilka Farmaajo iyo in wax lagu darsado xili Shariifna taas doonayo.
Xasan Cali Kheyre ,C/raxmaan C/shukuur iyo Shariif Sheekh oo iskula jira Madasha Samatabixinta ayaan la ogeyn sida arinku ku danbeyn doono iyadoo ay macquul tahay in Madashu ku kala qeybsanto soo dhawaanshaha Farmaajo.
Inkastoo Xasan iyo C/raxmaan ogoleyn Farmaajo lala fadhiisto hadana waxaa jirta arin mucaaradku ku wada mideysan yihiin taaso ah qodobada ay Dowlada Xasan ku wada diidan yihiin sida doorashada golaha deegaanka ee ay wado Dowladda Federaalka iyo faragelinta Dowladu ku sameysay Dastuurkii hore u qornaa.
Maamulka Jubaland ayaa dhawaan casuumay Farmaajo taasoo meesha ka saartay shakigii hore looga qabay tagitaanka Farmaajo ee Kismaayo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
