Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso u qaabilsanaha Midowga Yurub arrimaha geeska (EUSR) Marwo Annette Wamber oo ay wehlinaysay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann iyo xubno kale.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Aqalka Sare kaas oo qaatay saacado badan ayaa waxaa lagu gorfeeyay “sidii Midowga Yurub uu gacan uga siin lahaa Aqalka Sare BFS gudashada waajibaadkiisa Dastuuriga ah ee loo igmaday.”  Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Aqalka Sare.

Dhanla kale Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa uga mahadcelshay wafdiga ay hoggaaminayso u qaabilsanaha Midowga Yurub arrimaha geeska (EUSR) Marwo Annette, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann, sida ay ugu heelan yihiin dowlad dhiska Soomaaliya.

Kulanka uu Guddoomiyaha Aqalka Sare la yeeshay Annette Wamber & wafdigeeda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Senator Maxamed Cali Yuusuf “Gaagaab”,  Xoghayaha Aqalka Sare iyo ku xigeenkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here