Muqdisho, December 24, 2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa xafiiska Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta kulan kula qaatay xubnaha guddiga iyo Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Ahmed Jumah Alromaithi.

Xubnaha guddiga oo uu hogaaaminayo guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta Xildhibaaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyay howlaha guddiga u qabsoomay tan iyo intii la magacaabay.

Advertisement

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xubnaha ku amaanay howsha muhiimka ah ee ay hayaan iyo sida ay ugu howlanyihiin ka mira dhalinta howsha loo magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Safiirka kula dardaarmay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo in la sii laba jibaaro xiriirka Saaxiibtinimo ee labada Baarlamaan.

DHAMMAAD
May be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 6 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 4 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 5 people and daisMay be an image of ‎text that says "‎XAFIISKA GUDDIGA SAAXIIBTINIMADA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA IYO BAARLAMAANKA SU TAGGA IMAARAADKA CARABTA البرلمانية الصداقة لجنة الإماراتية الصومالية‎"‎
Previous articleMaxkamada Ciidamada ee Baydhabo oo Maanta dil toogasho ku fulisay askari hor u diley ardey 17 jir ahaa.
Next articleXildhibaan Barkhad Jaamac Batuun muxuu ka yiri inuu damcay xilka ay ka geeriyootay Khadiika Diiriye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here