Muqdisho, Febraayo 27, 2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Xafiiskiisa Villa Hargeysa ku qaabilay danjiraha Dawladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Amb. Dr. Abdalla bin Salim Al Nuceymi.

Kulanka Guddoomiye Sheekh Aadan iyo danjiraha ayaa looga hadlay xiriirka labada baarlamaan iyo wadashaqeyntooda. Sidoo kale waxaa looga hadlay sidii dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar ay kaalin uga qaadan laheyd aqoon kororsiga Xildhibaanada iyo howl-wadeennada Golaha Shacabka.

Advertisement

Guddoomiyaha wuxuh xusay in Dowladda iyo shacabka Qatar ay kaalin weyn ka soo qaateen dib u dhiska dalka.

DHAMMAAD

Previous articleMaxkamada Racfaanka oo soo gabagabeysay dacwad loo heysto masuliyiin Dowladeed
Next articleDhacdooyin  qatar gelin kara bad-qabka Hawada Somala oo maanta laga hadlay+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here