Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin oo ku sugan wadanka Uganda ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Milateriga Uganda Gen, Wilson Mbadi.

Labada Taliye ayaa ka wada-hadlay iskaashiga iyo xoojinta wadashaqeynta labada dal, iyadoo Dowladda uganda ay balanqaaday in Soomaaliya ay garab milateri ka sii doonto dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyada Argagixisada ah.

Advertisement

Taliye ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Taliyaha ciidamada Milateriga Uganda Gen,Wilson Mbadi ayaa si wadajir ah u dul istaagay in la kordhiyo howlgallada wadajirka ah ee lagu ciribtiraayo khawaarijta arxanka daran iyadoo Dowladda Uganda ay diyaar u tahay garab istaaga iyo Taageerada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka XDS ayaa booqday Kuliyadda Difaaca Qaranka Uganda, oo si weyn loogu soo dhaweeyay waxuuna kula kulmay saraakiisha Milateriga dalkaas.

Previous articleDAAWO: Suuqa Bakaaraha oo xiran iyo banaan bax Cabasho ah oo ganacsatafy dhigeen
Next articleHaweeneey ninkeeda maanta ku gubtay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here