HomeWarkiiMaxay ka wada hadleen Wasiir Fiqi iyo Wakiilka howlgalka AUSSOM ?+SAWIRRO

Maxay ka wada hadleen Wasiir Fiqi iyo Wakiilka howlgalka AUSSOM ?+SAWIRRO

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa maanta #Muqdisho ku booqday Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya, Mudane Axmed Macallim Fiqi.
Waxay ka wada hadleen fursadaha lagu xoojin karo isku duwista iyo iskaashiga u dhaxeeya #AUSSOM & Ciidanka Amniga Soomaaliyeed si loo horumariyo nabadda iyo amniga #Soomaaliya.
Waxay kaloo ka wada xaajoodeen hawlgallada socdo ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee sida sharci darrada ah u hubeysan. Danjire Diene ayaa soo dhaweeyey guusha uu gaaray Hawlgalka Duufaanta Aammusan, oo bartilmaameedkiisu yahay sidii kooxda Al-Shabaab lagaga adkaan lahaa Shabeellaha Hoose.
Waxaa kulanka ka qeybgalay Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika, Danjire Mouktar Ousman Karie, Taliyaha Ciidanka AUSSOM, S/Guud Sam Kavuma iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage iyo mas’uuliyiin kale oo sarsare.
XIGASHO HOWLGALKA AUSSOMMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -