Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubaland ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraaal Sulub Axmed Firin iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Magaalada Kismaayo.

Wafdiga uu Hogaamainyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa shalay gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubaa Hoose Halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

Advertisement

Taliyaha Ciidanka booliska Somaaliyeed iyo saraakiisha la socota ayaa Magaalada Kismaayo uga qayb galayaย  shirka Golaha Taliyeyaasha Booliska Dalka oo looga arrinsanayo hanaanka cusub ee Booliska dalka labadiis heer iyo wada shaqaynta Hayโ€™adaha Booliska dalka.