Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyey shirka khibrad & aqoon Is-weydaarsiga Istaraatijiyadeed ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya si looga heshiiyo arrimaha aas aasiga u ah dowlad dhiskeenna.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay qoddobadda mudnaanta leh Xukuumadda JFS ayaa hay’adaha dowladda ku adkeeyey in ay xoogga saaraan ciribtirka khawaarijta, dhameystirka dastuurka, deyn cafinta iyo sidii dalkeenna looga qaadi lahaa cuna qabateynta hubka.
Sidoo kale wuxuu sheegay in kobcinta aragtiyaha toolmoon ee dowlad dhiska iyo tayeynta fahamka lagu hoggaaminayo dowladnimada casriga ah ay jaangoyn doonto sidaan uga heshiinno arrimaheenna siyaasadeed, si jiilasha soo socdo loogu horseedo dhabbo cusub oo waxtar u leh mustaqbalkooda.
XIGASHO VILLA SOMALIA
May be an image of 1 personMay be an image of 7 people, table, lighting, dais and text that says "DÉC"May be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 9 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 1 person, newsroom and daisMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person
Previous articleNinkii Hooyadiis ku dilay Kismaayo oo Maanta Dil lagu xukumay
Next articleMarkii ay Itoobiya iska hor-taagtay in ciidamada Soomaaliya ay weeraraan Israel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here