HomeWarkiiMaxaa looga hadlay kulankii ay yeesheen Gudiyo ka kala socda Dowlada Somalia...

Maxaa looga hadlay kulankii ay yeesheen Gudiyo ka kala socda Dowlada Somalia iyo Mucaaradka

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Xalay Magaalada Muqdisho ku kulmay Gudi Dowlada Somalia ka socday iyo Gudi mucaaradka Golaha Mustaqbalka ka socday kuwaasoo si horu dhac ah uga sii hadlayay qabsoomida iyo qodobada looga hadli doono gogosha Dowladu u dhigtay Mucaaradka 1-da Febraayo ee maalmaha uu naga xigo.

Guidiga Dowlada ka socda waxaa Gudoomiye ka ah Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka Xasan Macalin Maxamuud halka dhanka Golaha mustaqbalka uu hogaaminayo C/laahi Carab waxaana shirka xalay laga soo tabiyay in la isku afgratay dhamaan qodobadii ay ka wada hadleen.

Qodobada ay xalay ka wada hadleen waxaa ka mid ah ajandaha uu daaran yahay shirka Dowlada iyo Mucaradka u dhexeeya xili la ogyahay in labada qodob ee ugu adag uu yahay wax badalkii Dowladu ku sameysay dastuurka oo mucaaradku raali ka ahayb iyo sida uu noqon doono doorashooyinka Madaxweynaha iyo sida Dowladu u rabto inay maareyso.

Qodobka Doorashada sida uu noqon doono waxay kala joogaan labada dhinac laba mowqif oo aad u kala fog madaama Dowladu wadato go’aanka ah in doorashadu noqoto qof iyo cod halka mucaaradkuna aaminsan yihiin inaan xiligaan ambi ahaan suurtagal ahayn in Dowladu qabato Doorashada ay rabto laakiin ay mab da’ ahaan raali ka yihiin hadii doorashadu noqoto qof iyo cod sida uu hore u cadeyay Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif oo mucaaradka ka tirsan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -