XIGASHO LAACIB.NET
Alan Shearer ayaa horey loogu caddeeyay inuu qaldanaa kaddib markii uu sheegay in Mohamed Salah uusan mar dambe u ciyaari doonin Liverpool, balse xiddiga reer Masar ayaa kursiga keydka ka soo galay kulankii Brighton, isagoo caawin sameeyay guushii 2-0 ahayd.
Hadda, halyeeygii hore ee Newcastle ayaa weli ku adkeysanaya in arrintan aan si fudud la iskaga indho tiri doonin, balse ay dib u soo cusboonaan doonto kaddib marka uu Salah ka soo laabto Koobka Qaramada Afrika (AFCON).
“Waxaan u maleynayaa in waxa kale oo la dareemi doono ay tahay inaanay arrintani baabi’i doonin sida ay Arne Slot iyo Liverpool u jeclaan lahaayeen,” ayuu Shearer ku sharraxay barnaamijka Match of the Day.
“Way deggan tahay xaaladda hadda sababtoo ah isagu wuuxuu u amba-baxayaa AFCON, sidaas darteed buuqu wuu yaraaday, balse marka uu si degdeg ah u dhammaado tartankaas, su’aalihii ayaa mar kale bilaaban doona.”
XIGASHO LAACIB.NET
