Wasiirka Arrimaha Dibadda Maamulka Somaliland ayaa u yeeray Qunsulka guud ee Turkiga ee Hargeysa kaddib markii la xaqiijiyey warar ku saabsan kulan ka dhacay Muqdisho oo dhexmaray Safiirka Turkiga iyo Suldaan Wabar oo reer Awdal ah.
Safiirka Turkey ee Somalia oo fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa maalmo ka hor wuxuu xaruntooda Muqdisho ku qaabilsan Suldaan Wabar oo ka mid ah salaadiinta reer Awdal xili reer Somaliland ay fahamsan yihiin inuu kala hadlay qadiyada reer Awdal oo doonaya inay yeeshaan maamul ka madax banaan kan Somaliland.
Sidoo waxaa soo xoogeysanaya warar sheegaya sheegaya in Dowlada Turkigu ka caawineyso Dowlada Somalia sidii ay maamul ugu sameyn lahayd reer Awdal , waana sababta reer Somaliland uga caroodeen kalunka ka dhacay Safaarada Turkey.
“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u aragtaa tallaabadan faragelin cad oo aan marnaba la aqbali karin. Sidaas awgeed, Dawladda Somaliland waxa ay si rasmi ah uga dalbatay Safiirka Turkiga inuu bixiyo sharaxaad degdeg ah oo lagu qanci karo, kuna saabsan sababta ku keliftay ficilladan la xidhiidha faragelinta iyo carqaladaynta amniga Somaliland,Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay mar kale caddeynaysaa inaanay marnaba aqbali doonin ficillo wax u dhimaya madax-bannaanideeda, amnigeeda, ama danaha qaranka ee ay leedahay.” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Maamulka Somaliland
Talaabada uu qaaday Maamulka somalland ayaa ku soo aadaya xili la hadal hayo warar sheegaya in dowalda Somalia iyo Turkiga iska kaashan doonaan dhismaha maamulka Awdal State.
Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegya in Turkigu siyaasad ahaan diyaar u yihiin inay Dowlada Somalia kala shaqeeyaan sidii reer Awadl loogu sameyn lahaa Maamul ka madax banaan kan gooni u goosadka reer Somaliland iyadoo reer Awdal caan ku yihiin sida ay u jecel yihiin midnimada umada Soomaaliyeed.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
