ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Dowlada Itoobiya ayaa shaacisay in qatar amnigooda halis ku ah uu kaga soo wajahan yahay gudaha Soomaaliya xili uu ka warbixinayay waxqabadka ciidamadooda muddadii sagaalka bilood ee la soo dhaafay.
Taliyaha guud ee Ciidamada Itoobiya Field Marshal Berhanu Jula ayaa daboolka ka qaaday in xoogag amnigooda halis ku ah ay isku urursanayaan Soomaaliya si ay qatar u geliyaan amnigooda walow uusan si toos ah u carabaabin xoogagaasi waxay yihiin.
Taliyaha wuxuu khudbadiisa soo dhex gelinayay oo uu ka hadlayay ciidamada Masar ee ku soo wajahan Somalia taasoo si toos ah u ifineysa xoogaga uu sheegayo inay amnigooda qatar ku yihiin inay yihiin Milateriga Somalia iyo kuwa Masar.
Taliyaha Ciidamada Itoobiya xusay Dowlada Masar ka faa’iideysaneyo khilaafka u dhexeeya Somalia iyo Itoobiya islamarkaana ay dhawaan Somalia u soo direyso ciidamo gaaraya 10-kun askari oo qeyb ka noqon doona howl-galka AUSSOM.
Dhanka kale Taliyaha ciidamada Itoobiya wuxuu kashifay qorshayaashooda sirta u ahaa balse ay inta badan isku dayaan inay qariyaan taasoo ah in Somalia ay u joogaan ciidamo ka madax banaan kuwa ku howlgala magaca Midowga Afrika ee ATMIS balse hada isku badalay AUSSOM.
Taliyaha ma uusan sii sharixin ciidamadaasi waxay ka qabtaan Somalia balse wuxuu ku qariyay in heshiis labada dowladood ay ku joogaan Somalia iyaga laftigooda.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
