HomeWarkiiMaxay tahay rajada Madaxda Maamulka Somaliland ay shalay iyo maanta muujinayaan

Maxay tahay rajada Madaxda Maamulka Somaliland ay shalay iyo maanta muujinayaan

HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Waaxaa si aad ah u qabsaday baraha bulshada iyo warbaahinta reer Somaliland rajo wanaagsan oo ay Madaxda Maamulka Somaliland ka muujinayaan in maanta oo jimco ah ay heli doonaan aqoonsi Dowladnimo waliba qaar ka mid ah Dalalka dunida.

Sidoo kale saacadihii ugu danbeeyay ee maanta warbaahinta Somaliland waxaa lagu shaaciyay in Mareykanku wafdi sare u soo direy Hargeysa kuwaasoo kulan gaar ah la qaadan doona Madaxweynaha maamulka Somaliland C/raxmaan Cirro inkastoo aysan faahfaahin ujeedka kulanka iyo wafdigaba.

Sidoo kale Wariyayaasha Teleishinka Somaliland oo jimcaha la fasixi jirey ayaa maanta heegan ku jira iyadoo Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Cirro uu si toos ah u leeyahay maanta dalal baa na aqoonsanaya .

Dalalka ilaa iyo hada ay reer Somaliland hadal hayaan inay ictiraaf ka helayaan maanta ayay ku kala shegeen Imaaradka iyo Israa’iil xili awal ay rajada ugu badan ka muujin jireen Mareykanka,wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Cirro laga sii duubay khudbadii uu ugu mahad celin lahaa labdaasi Dal.

Si kastaba in ka badan 30 sano ayay reer Somaliland raadinayeen ictiraaf Dowlad-nimo mana jirto ilaa hada cid aqoonsatay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -