=XIGASHO BBC SOMALIA=

.

Advertisement

Diyaarad nuuca xamuulka qaada ah oo ku diiwan gashan lambarka P4-JAG lagana leeyahay dalka Thailand, sida ay sheegtay Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya, taas oo khamiistii laga celiyay hawada Soomaaliya ayaa ka soo degtay magaalada Hargeysa.

Saaka oo sabti ah, marka ay saacaddu ahayd 7:06 xilliga Soomaaliya, ayay diyaaradaasi ka soo degtay garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa, sida ay mujineyso xog ku daabacan bogga tixraaca dhaqdhaqaaqa duulimaadka ee caalamiga ah.

Diyaaradaan ayay horay u sheegtay hay’addu in ay diiday bixinta xogta badeecada ay waddo..

Sidee ku heshay ogolaansho?

Sida ay muujinayaan dukumiintiyo ay aragtay BBC da, ogolaanshaha in diyaaradaan soo gasho hawada Soomaaliya ayaa waxaa siiyay Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo ka tirsan hay’adaan, diyaaradda ayaa la siiyay ogolaanshaha kadib markii ay soo gudbisay xogaha ku saabsan badeecadda ay waddo.

Dukumiintiyada ay aragtay BBC da ayaa muujinaya in diyaaradaan ay waday badeecooyin isugu jira waxyaalo electronic ah oo ah kuwa sida maalin laha ah loo isticmaalo, cuntooyin laga sameeyo caanaha iyo sidoo kale qalabka baabuurta.

Waxa kale oo dukumiintiyadu muujinayaan in diyaaraddu ay waday badeeco guud oo miiskeedu dhan yahay ilaa 120 kiilo, balse ma faahfaahsana waxa ay yihiin.

“Muddo shan maalin ah ayuu socday wadahadal horay iyo gadaal isku dhaafayay oo ku saabsan in diyaaraddu cadeyso waxa ay waddo”, ayay noo sheegeen ilahaan.

Ugu dambeyntii, shalay ku dhawaad afartii galabnimo xilliga Soomaaliya, ayay diyaaraddu go’aansatay in ay soo gudbiso faahfaahinta badeecada ay wado, ayay sheegaysaa xogta aan ka helnay ilaha ka tirsan hay’adda duulista. Waxaana loo diray ruqsada soo dagista xalay tobankii fiidnimo.

Duulimaadkaan oo isaga kala gooshayay garoomada diyaaradaha ee Sharjaha iyo Hareysa ayaa horay waxaa u hakiyay Hay’adda Dullista Rayidka ee Soomaaliya.

“Diyaaradda ayaa ku guul-darraysatay inay bixiso macluumaadka xamuulka ay waddo (cargo), waxayna qaadatay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed go’aanka sharciga ah oo dhigaya inaysan hawada Soomaaliya soo geli karin diyaaraad aan la hayn maclumaadka, ujeedka safarka iyo waxa ay sido , waxaana dib looga celiyay diyaaradaas inay soo gasho hawada Soomaaliya”, ayaa lagu yiri war ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya.

Dhamaan diyaaradaha soo gelaya hawada Soomaaliya ayaa laga hubiyaa waxyaabaha ay sidaan iyo dokumentiyadooda la xiriira safarka sida ay noo sheegtay hay’addu..

Diyaarada ayaa horay u isticmaali jirtay hawada Soomaaliya, iyada oo keeni jirtay xamuul ay u soo dejisay si bedqa.

Celinta diyaaraddan ayaa kusoo beegantahay iyadoo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ay maalinnimadii talaadada hawada ka celisay diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines, noceeduna yahay Dash 8-Q400, kuna duuleysay lambarka duulimaad ee ET8372, taas oo ku socotay Hargeysa kanasoo duushay magaalada Addis Ababa, hay’adda ayaa sheegtay in diyaaraddu aysan heysan wax fasax ah oo ay kusoo gashay hawada Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys, ayaa xaqiijiyay warkan, isagoo caddeeyay in diyaaradda ay la socdeen saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

Dhacdooyinkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo maalmihii lasoo dhaafay ay jirtay xiisad u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii Dowladda Itoobiya ay heshiis is afgarad la gashay Somaliland arrintaas oo Soomaaliya ka careysiisay.

Soomaaliya ayaa dooneysa in dowladda Itoobiya ay heshiiskan dib uga laabato, iyada oo Addis Ababa ay ku madax adeygtay go’aankeeda.

Heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ee 1 dii January ay kala saxeexdeen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Itoobiya u ogolaanaya in ay Somaliland ka kirayso qayb kamid ah xeebaha Somaliland, kaas oo lagu sheegay in Itoobiya ay kiro ku dooneyso si ay uga sameyso saldhig ciidan iyo Deked.

Saxiixa heshiiskan ayaa waxaa si kulul uga carooday Soomaaliya oo u yeeratay safiirkeedii u fadhiyay Itoobiya, waxayna xiriir diblomaasiyadeed oo dhow la bilowday Masar iyo Eritrea oo ah laba dal oo daneynaya in la xakameeyo damaca Itoobiya ee gobolka.

=XIGASHO BBC SOMALIA=

Previous articleArintii Ikram Tahliil intey ku dambeeysay?
Next articleQoraa Falastiini ah oo sheegay in burburinta Jaamacadaha Gaza ay tahay qorshe ku talagal ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here