HomeWarkiiMaxay tahay sedexda ujeedo ee Cismaan Dubbe sheegay in Madaxweyne Xasan u...

Maxay tahay sedexda ujeedo ee Cismaan Dubbe sheegay in Madaxweyne Xasan u tagay Laas-caanood

Xildhibaan hore uga tirsanaa aqalka sare ee Somalia Cismaan Abokor Dubbe islamarkaana ka soo jeeda Gobolada Waqooyiga Somalila ee gooni goosadka ah kuwaasoo la baxay Somaliland ayaa ka hadlay socdaalka Madaxweynaha somalia Xasan Sheekh ku tagay Laas-caanod.

Cusmaan Dube oo dhawaan iska dhiibay Hargeysa markii uu iska casilay xubinimada xildhibaanada aqalka sare ee Dowlada Somalia ayaa sedex ujeedo ku sheegay socdalka Madaxweye Xasan ee Laas-caanood.
Cusmaan Dube sedexda ujeedo uu qoraalkiisa ku xusay halkaan ka akhriso isagoo sidiisa u qoran:-
Tan koowaad: Wuxu si dhab ah u ogyahay in Aqoonsiga Somaliland gaadhay meel aan laga soo celin karin. Sidaa darteed waa in uu cartamo, oo car cararo si loo moodo nin dagaal ku jira, oo aan mustaqbalka loogu eedayn in muddo xileedkiisii la aqoonsaday Somaliland, Soomaaliyana ay gacantiisa ku burburtay.

Laba: Odaygu waxa aanu xal u hayn go’aankii iyo gogoshii laga sugayey 20ka bisha January oo 3 maalmood uga hadheen. Ma joogi karo kursiga oo 3 bilood baa uga hadhay muddo xileedkiisii, Raisal Wasaare cusub na kuma dhiirran karo oo wuxu xasuusan wixii ay sameeyeen Raisal Wasaarayaashii xilliyadii kala guurka ee Gaas, Sharmaarke iyo Rooble. Sidaa darteed sidii qof dil suge ah ayuu odaygu xummad jebin ka dhiganayaa Laascaanood.

Saddex: Odaygu wuxu ka quustay dowladnimada Soomaaliya, wuxu og yahay baaqiga ugu jira akoonka, laakiin ma rabo in dadka la joogaa ogaadaan, sidaas darteed waa in uu team kiisa mashquuliyo, isaguna is mashquuliyo.” Ayuu yidhi Cismaan Abokor Dubbe oo qoraalkan ku faafiyey bartiisa facebook.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -