MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Mucaaradka Dowlada Somalia gaar ahaan Golaha Mustaqbalka ayaa markii ugu horeysay waxay Dowladu ku dhaliileen sheeko cusub oo aaney horey u dhicin taasoo ah in Dowladu Drons u adeegsatay ficilo ka dhan ah Mucaaradka.
Siyaasiga Maxamed Aadan Jimcaale Koofi oo ah Xoghayaha Guud ee Mucaaradka ayaa ku dhawaaqay in Dowlada Somaliya bilowday inay Sawirto Musqulaha Mucaaradka si ay Muuqaalo kaga qabato iyagoo qaa-qaawan.
“Waa sheeko nagu cusub oo aanan hore u arag in Dowladu Drons u soo dirto guryaha madaxda mucaaradka si ay sawiro uga qaadaan iyagoo musqulaha ku jira” ayuu yiri Dr.Kofi
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
