.

Dagaalkii udanbeeyey ee dhex-maray kooxaha Falastiin ee Qasa iyo Isreal ,waxaa wax weyn iska badalleen Siyaasadii Arrimaha Dibeda ee Jamhuuriyada Carabta ee Masar ,kula dhaqmaysay kooxaha hubaysan ee Reer Falastiin gaar ahaan Urrurka Xamaas ,oo Masar u arki Jirtay Urrur Argagixiso ,

Dawlada Masar ayaa kudhawaaqday Inay Dib udhisayso Marinka Qasa iyadoo dib Ugu dhisaysa Aduun Gaadhaya Shan Boqoll oo Milyan oo dollar waxaanay udirtay Kaalmo Gargaar ,

Dadka Siyaasada ka faalooda waxay leeyihiin Masar oo ahaan jirtay Awood Gobol (Regional Power) oo aan sanadihii danbe waxba la waydiinayn ayaa rabta Saamaynteedii ay kulahayd Bariga dhexe iyo Qaarada Africa dib usoo ,ceshato Masar oo aan la dhayalsan karin Miisaankeeda ayaa waxaa sanadahan danbe kula tartamayey Wadanka Turkiga .

Waxaa la ,odhan karaa Amniga Falastiin wuxuu saamayn toggan ku leeyahay Amniga Qaranka Masar .

Dhex-dhexaadintii Masar Kagaysatay in loo joojiyo dagaalkii 12-maalmood dhex-marayey Kooxaha Falatiiniyiinta iyo Isreal ,waxay Masar ukeentay sumcad fagaarayaasha Caalamiga ah Masar waxay rabtaa in isu soo dhawaanshaha iyada Iyo Urrurka Xamaas ,cadaadis ku saarto dawlada Isreal oo iyadu taageersan Biyo -xidheenka Itoobiya .

Masar oo tirada dadkeedu yihiin 100-million waxaa la saadalinayaa inay noqoto Wadanka 6-aad ee ugu wax ,saar badan Caalamka waa marka lagaadho 2030.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here