Garoowe, 02/04/2024: Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland oo ka duulaya amarkii Madaxweynaha Dowladda Puntland ee qorshaha dibu-habaynta Hay’adaha Dowladda ayaa guddiyo u kala diray Magaalooyinka Galkacyo, Qardho, Badhan, Boosaaso, Xabsiga weyn ee Garoowe, Xarunta Taliska Guud iyo Kulliyadda tababarada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee Gen Calinuur Garoowe.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland Sarreeye Guuto Saxar-diid Maxamed Axmed & xubno katirsan guddiga dibu-habaynta ciidanka Asluubta ayaa u safray Magaalada Badhan halka xubno katirsan guddiguna ay maanta howlohooda shaqo ka bilaabeen xabsiga Dhexe ee gobolka Bari (Boosaaso).

Advertisement

Guddiyadaan ayaa u kuur gelaya howlaha shaqo ee Xabsiyada Puntland, hubinta Xuquuqaha aasaasiga ah ee Maxaabiista, dabagalka waajibaadka shaqo ee Ciidamada, dibu-habaynta Ciidanka iyo fulinta qorshayaasha hortebinta leh ee uu dejiyey Taliska guud ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.

Previous articleHowlgal Ciidamada Dowladu ka sameeyeen deegaano hoos taga Ruun-Nirgood+ SAWIRRO
Next articleMadaxweyne Xasan oo Sacuudiga gaaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here