MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamo yar oo lagu qiyaasay cutub una dhashay dalka Swden ayaa soo gaaray Somalia kuwaasoo la sheegay inay xiir dhaw la leeyihiin kuwa taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (US AFRICOM).
Ciidamadaan yar ee Swden u dhasay waxaa la sheegay inay u yimaadeem si ay caawimaad u siiyaan ciidamada Xooga Dalka Somalia waxaana dalka Somalia ku casuumay Dowlada Somalia si ay uga helaan qibrad dhanka ciidamada madaama ay dagaalo kula jiraan kooxda Alshabaab.
Warar ku dhaw dhaw ujeedka ciidamadaani Dowlada Somalia u wacatay ayaa sheegaya inay Ciidamada Somalia la fulin doonaan howlgal la magac baxay Operation Thunderbird kaasoo sidoo kalana ay Mareykanku qeyb ka sii yihiin.
Ciidamada Sweden waxay siin doonaan Ciidamada Xooga Dalka Somalia tababaro iyo la talin dhanka dagaalada ah iyo sidoo kale hababka ciidamadu u heleen xog muhiim u ah shaqada qarankooda u hayaan.
Dhanka kale ku-xigeenka taliyaha US AFRICOM, Gen. John W. Brennan oo ka hadlayay imaanshaha ciidamada Sweden ayaa ku amaanay saraakiisha Sweden ina y yihiin kuwo muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee Soomaaliya sida uu warka u dhigay.
Sarkaalka Ameerikaanka wuxuu si gaar ah ugu amaanay saraakiisha ka socota Dalka Sweden inay ku wanaagsan ama ay leeyihiin xirfad sare oo dhanka baaritaanka iyo sirdoonka ah taasina ay tahay inay Somalidu ka faa’iideystaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

