HomeWarkiiMaxay yihiin shuruudaha lagu soo rogay Jigjiga marka meydka la aasayo?

Maxay yihiin shuruudaha lagu soo rogay Jigjiga marka meydka la aasayo?

=XIGAXHO BBC SOMALI=Xabaalaha Jigjiga

Maamulka magaalada Jigjiga ayaa shaaciyay nidaamkan cusub ee dadka geeriyooda loo aasayo, waxayna maamulku sheegeen in ay khibrad wadaag u tageen magaaloyinka Hargaysa iyo Harar oo ay ku soo arkeen nidaamkan sida uu maayarka magaalada Jigjiga u sheegay BBC.

Wuxuu sheegay in qofka ehelkiisa aasaya laga rabo in uu la xidhiiddho iskaashato lagu wareejiyay dhulka loo diyaariyay xabaalaha ayadoo magaalada oo dhan lagu soo koobay hal meel, kuwaasi oo markii hore ahaa meelo kala duwan oo markii hore meelaha qaar ay gaadhay magaaladu.

Qofka la aasayo waxay iskaashatadu ku aasaysaa 15000 oo birr, ayadoo loo diyaarinayo xabaashii oo dhamaystiran.

Maayarka Jigjiga Shaafi Axmed Macalin ayaa sheegay in guud ahaan magaaalada Jigjiga ay badnaayeen tirada xabaalaha, taas oo dhibaato ku ayad magaalada, xilliyada qaarna waxaa la wayn jiray sida uu sheegay goob meydka lagu xabaalo.

“Waxaa la isla qaatay in la sameeyo xabaalo casri ah, lagana hirgaliyo aagga magaalada ee loo yaqaano qubuuralay, halkaasoo aan ka diyaarinay dhul gaadhaya 150 qoodi, dhulkaas oo aan is leenahay wuxuu shaqayn doonaa 20 sano”, ayuu yiri maayarka Jigjiga.

Maxay tahay ujeeddada uu maamulka arrinta ka leeyahay

Maamulka maagalada waxay sheegeen in ujeedada ugu wayn ay tahay in la ogaado dadka la aasayo si loo diwaan galiyo qof kasta oo geeriyooda, waxaana qofka dhintay laga diwaan galinayaa magacgiisa oo sadexan, wax uu u geeriyooday iyo goobta uu ku geeriyooday.

Shaafi Axmed – duqa magaaladu wuxuu sheegay in arrintan ay ka caawinayso dhanka amniga taasi oo qofkii geeriyooda ay la soconayaan si maalinle ah, maadaama todobaadyadii ugu danbeeyay ay dhaceen faldanbiyeedyo gudaha magaaalada ka dhacay.

”In marka hore dadku helaan adeeg, dhulkana sidii la rabay looma maamulayn, cagaf ayaa lagu qodayay oo runtii meeshii sadex qof lagu aasi lahaa laba qof lagu aasayay iyada oo xabaal bilaashadana la waynanayo, sidaa oo kale…xagga amniga way naga caawin oo cid kasta maadaama oo aan og nahay waxaan si dhamaystiran u diwaan galinaa asbaabta uu qofkaas u soo geeriyooday”.Xabaalaha Jigjiga

BBC oo mayarka waydiisay qofkii aan awoodin in uu iska bixiyo lacagta xabaasha iyo sida laga yeeli doono wuxuu sheegay in ka bixinayso dowladda hoose.

“Haddii uusan iska bixin karin meesha ugu dhow ee dowladda hoose ku taallo ayuu tagi, waxaa kafaala qaadaya aaska marxuumka hadii uu dan yar yahay oo uuna iska bixin karin adeegga dowlada hoose, kaliya qofkii awoodaya inuu iska bixiyo ayaa looga baahan yahay shan iyo tobon kun oo birr, kan aan awoodinna waxaa loogu talo galay in ay ka bixiso dowladda hoose”.

Ujeedada ay hal xabaal ugu soo koobeen magaalada ayuu BBC u sheegay inay tahay in xabaalo badan oo magaalada hadda ku yaala ay magaaladu gaadhay taasni ay caqabad ku noqonayso qorsha hagaha magaalada oo fidaysa, iska markaana ay koobayso baaxada magaalada. Haddaba dowladda hoose maka soo galayaa wax dhakhi ah xabaalaha.

“Ugu maanan talo galin in meeshaas uu naga soo galo dhakhli kaliya, waxaan ugu talo galnay in dadka caasimaddu ay helaan adeeg hal goob ah oo la isku halayn karo maadaama ay magaalada si deg deg ah u fidayso.

=XIGAXHO BBC SOMALI=

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -