MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maxkamaad Ciidamada qalabka sida ee Dowlada Somaaliya ayaa oo la soo taagay eedeysanayaal loo heysto inay Alshabaab xiriri la leeyihiin islamarkaana ay yihiin daroogiistayaal wax kasta isticmaala sida midkood uu qirsan yahay.
Labada Eedeysane oo laga soo qabtay Magaalada Balcad oo beer halkaasi klu taal ay miino u geliyeen asxaabtooda daroogada si ay ugu qarxiyaan waa sida xeer ilaalintu soo gudbisay,abuukaate u doodayay eedeysanayaasha ayaa isna beeniyay inay Alshabaab ka tirsan yihiin.
Abuukaataha wuxuu shegay rimuutka ciidamadu ku soo qabteen eedeyanayaasha uusan ahayn qaraxyada loo adeegsado balse uu ahaa rimuutka samacaadaha kor loogu qaado.
Hadaba halkaan ka daawo dacwada Maxkamada Ciidamada:-
