Muqdisho(dayniiile.com)-Maxkamada Gobolka Banadir oo mudoo soo waday dhageysiga dacwado musuq maasuq la xirriira oo loo heystay masuuliyiin Dowlada ka tirsan ayaa lagu wadaa inay maanta go’aan ka qaadato xukunkaasi.

Maxkamada ayaa lagu wadaa inay maanta barqadii ku dhawaaqdo xukunka 11 eedeysane oo 9 ka mida ay joogaan halka laba kalana ay baxsad ka yihiin.

Advertisement

Waxay ku eedeysan yihiin xatooyo xoolo dadweyne waxaana ay ka howlgalayeen wasaarada shaqada,wasaarada maaliyada,bangiga iyo hayada socdaalka.

Eedesanayaasha caanka ah ee maqan waxaa ka mida Saabeey iyo Koofi waxaana maanta loo fasaxay xukunka inay goob joog ka noqdaan ehelada eedeysanayaasha iyo guud ahaan warbaahinta.

Wixii ka soo baxa xukunkaan goor dhaw dhacaya wararkeena xiga ayaad kala socon doontaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleKumaandooska Danab oo Howlgalo ka fuliyay deegaano hoos taga Maamulka Jubaland.+Sawirro
Next articleWasiirka Hawlaha Guud oo shir uga qeybgalay Nayroobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here