Maxkamad ku taalla Kenya oo qaadeysa kiiska weerarkii  dhisme laga dukaameysto  lagu qaaday Westgate

0

Maxkamad ku taalla Kenya ayaa maanta lagu wadaa inay qaaddo kiiska saddex nin oo ku eedeysan inay caawiyeen maleeshiyaadkii weerarka ku qaaday dhisme laga dukaameysto oo ku yaalla Caasimadda Nairobi, sanadkii 2013.

Ugu yaraan 67 qof ayaa ku dhimatay weerarkaas oo lagu qaaday dhismaha Westgate.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkaas. Kenya ayaa sheegtay in raggii geystay weerarka ay ku dhinteen gudaha dhismaha.

In ka badan 140 marqaatiyaal ah ayaa ku marag furtay raggaasi, inkastoo eedeysanayaashu ay beeniyeen.

Kenya ayaa feejignaan dheeri ah ka muujineysa weerarro laga geysto gudaha dalkeeda iyadoo ciidamo milatari ah ay ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo dagaal kula jira Al-Shabaab.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here