Diblomaasi reer Iran ah ayaa lagu helay dambi ah inuu qorsheynayay inuu qarxiyo isu soo bax weyn oo ay qabteen koox mucaaradka dibad joog ah.

Assadollah Assadi, oo 49 jir ah, kana soo shaqeeyay safaaradda Iran ee Vienna, ayaa maxkamad ku taala Belgium waxay ku xukuntay 20 sano oo xabsi ah. Xukuumadda Tehraan ayaa waxaa ay sheegtey in diblamaasigaani uu dhibane u yahay Reer galbeedka.

Waxay ahayd markii ugu horreysay ee sarkaal Iiraani ah uu wajaho eedeymo noocan oo kale ah oo ka socda Midowga Yurub tan iyo kacaankii 1979.

Saddex kale ayaa iyagana la xukumay,Waxaa lagu soo qabtay hawlgal ay iska kaashadeen booliska Jarmalka, Faransiiska iyo Biljimka kuwaas in muddo ah ragaani baadi goobeyey.

Tobanaan kun oo qof ayaa ka soo qeyb galay isu soo baxa June 2018 ee ka dhacay Magaalada Paris, kuwaas oo dhigeyey dibad baxyo ka Dhab ah Taliska sare ee Dalka Iran
waxaan dibad baxyaashaasi kamid ahaa qareenka Donald Trump Rudy Giuliani.

Xukunka ayaa yimid todobaadyo ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu qabtay xafiiska, iyadoo Iran ay rajeyneysay inuu ka laaban doono qaar ka mid ah cunaqabateyntii uu saaray kii isaga ka horeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here