Maxkamada Dalka Kenya ayaa 10 sano oo xarig ciidan ah ku xukuntay Somali tirsan Booliiska dalka Kenya oo lagu magacaabo Cabdi-Khaliif Sheekh kadib markii lagu soo eedeeyay inuu kufsaday gabar yar.
Askarigaan oo si gaar ah uga tirsan Soomaalida Ismaamulka Wajeer ayay Maxkamadu sheegtay inuu kufsaday gabar yar uu abti u yahay ka hor intaan la soo qaban.
Gabadha ayaa ah ardayad dhigata iskuul hoose dhexe junior secondary school taasoo cadeyneysa ineysan xitaa gaarin da’dii lagu damci lahaa qof dumar ah.
Maaha markii ugu horeysay oo ismaamulka Wajeer iyo kuwa kalaba lagu kufsado Gabdhaha Soomaali-Kenyaanka ah balse waa rin ka mid ah dhacdooyinka mar kasta laga soo wariyo deegaanadaasi inkastoo aysan badneyn.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM


