BAYDHABA (DAYNIIILE.COM)-Maxkamadda ciidamada qalabka sida Dowlada Somalia Qaybteeda 60-aad ee fadhigeedu yahay Magaalada Baydhaba  ayaa maanta xukun dil iyo xabsi dheer ku kala ridday laba askar oo ka tirsanaa Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Maxkamada waxay dil ku xukuntaty eedeysane Dable Muxudiin Cali C/llaahi oo hore u dilay ardey 17 jir ahaa Marxuum Maxamed Nuur Salaad Xasan.

Advertisement

Sidoo kale Maxkamada waxay 10 sano oo xariga ku xukuntay Dalbe  Shuceyb Xasan Mustaf oo dhac gaystay  iyo inuu mago hanidii uu dhacay.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad ayaa xukunka ku dhawaaqay isagoona sheegay inay u cuskadeen aayadaha quraanka.

Isla Maanta ayaana xukunka dilka ah lagu fuliyay gacan ku dhiiglaha muxudiin Cali C/llaahi madaama uu dilay ardey iskuuleey ahaa oo aad u da’yaraa sida maxkamadu sheegtay.

Tiirka ayaa la geeyay waxaana lagu fuliyay xukunka qisaasa ahaa iyadoo ciidamada  Maxkamada ay markiisa dhimasho ku ciqaabeen iyadoo la wada daawanayo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
May be an image of skeet shootingMay be an image of 5 people and textMay be an image of 4 people and text

Previous articleDowlada oo war cusub Caawa ka soo saartay dagaalkii Deegaanka Jeex-Jeex
Next articleMaxay ka wada hadleen Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Safiirka Imaaraadka Carabta +SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here