MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maxkamada Ciidamada ayaa la hor keenay Haweeney basaas ah , iyo laba nin oo midi cunta kariye yahay iyo bajaajle dhamaantood ku eedeysan Alsabaabnimo.
Leyla Diini Jarbood Xabad oo magaceeda afgarashadu yahay Nuuro waxay Xeer ilaalintu ku soo oogtay dacwad la xiriirta inay Ashabaab warbixinida u gudbin jirtay oo basaas ay u ahayd waliba si gaar ah soo indha-indheysa baraha koontaroolada ciidamada, Nuura waxay ari ku raaci jirtay baadiyaha u dhexeeya Alkowthar iyo Cali-guduud oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha dhexe ka hor inta aysan ku biirin Alshabaab sida Maxkamadu sheegtay.
Nuura 2019-kii ayay reerkeedu u guuriyeen nin Alshabaab ka tirsan oo lagu magacaabo Muuse Xuseen Tuuryare balse waxay isugu dhaceen daryeel la’aan wayna iska furtay,sidoo kale 2020-kii ayay guursatay Alshabaab kale oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Nuur oo isaga iyo ninkii ka horeeyayba ay ka tirsanaayeen qeybta tashkiilinta, ugu danbeyna Maxamed Aadan Nuur ayaa ku tashkiiliyay inay ku biirto kooxda, Nuura waxay soo degtay Degmada Gubad-ley ee Muqdisho markii ay u dulqaadan weysay duqeymaha duurka lagula eegto kooxda Alshabaab.
C/casiis Cali Ibraahim oo ah Bajaajlaha ayaa isna la sheegay inuu gabadha ka qaaday Muqdisho isagoo geeyay ceelasha biyaha kadib markii ninkeedii Alshabaabka ahaa uu dalbaday inay ugu tagto Tooratooroow oo ka tirsan shabeelaha hoose.
Maxkamada waxay ku eedeysay in C/casiis Alshabaab ugu qaabilsanaa qeybta kala gudbinta xubnaha kooxdaasi ku jira,waxaa soo wacay ninka Alshabaab ee haweeneyda qabay wuxuu ka dalbaday inuu xaaskiisa ka soo qaado Masjidka Ramadaan ee Degmada Yaaqshiid balse ciidamada ilaalada ayaa gacanta ku dhigay labadoodaba.
Gudoomiye Xasan Shuute oo haweeneyda su’aalo weydiiyay ayaa qirtay in ninkeeda uu u soo direy mootada kuna dhahay bajaaj baa kuu imaaneysa ee soo raac,sidoo kale bajaajle C/casiis ayaa isna markii la weydiiyay cida ku amartay inuu haweenda qaado wuxuu ku jawaabay in ninka haweeneyda qaba nin kale oo ku soo xirey uu jiro isagoona ku dhahay nin baa ku soo wacaya oo raba in loo shaqeeyo sidaasna uu ku qaaday isagoon aqoon u lahayn.
Haweeneyda iyo Bajaajlaha labadaba waxay maxkamada ka hor sheegeen ineysan Alshabaab ka tirsaneyn,gabadha waxay tiri ninkeyga waa macalin jooga dhulka Alshabaab halka bajaajluhu ku dooday inuu shaqeysanayay oo kaliya.
Dhanka kale Sayid Cali Maxamed oo magaciisa is afgarashada uu yahay Bilaal ayaa isna Maxkamadu ku soo aadeeysay inuu cunta kariye u ahaa kooxda Alshabaab gaar ahaan kuwa ku sugan Deegaanka Janaalle ee Gobolka Shabeelaha hoose,Bilaal waxaa laga soo qabtay Say-biyaano Muqdisho 14-kii Apriil ee sanadkaan,sida xeer ilaalintu sheegtayna Bilaal wuu qirtay inuu raashin kariye u ahaa Alshabaab.
Si kastaba Maxkamada ayaa la soo xirey iyadoo Gudoomiyuhu dib ka soo sheegi doonto kulamada xiga waxa ay ku xukuamaan eedeysanayaasha marka la kala cadeeyo qof kasta danbi haday yeelayo iyo hadi lagu waayo intaba.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
